SOMALI LINKS
 
muuqaal.com Web Cusub oo ka hadlo Arimaha Bulshada oo La furay
www.muuqaal.com Webkaan ayaa waxaa abaabulay Koox dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ku nool dalka dibadiisa iyo...
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xalay ka hadlay xaflad lagu xusayey sanad guurada 64-aad ee maalinta ciidanka Booliska
Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Md. Maxamed Cumar oo xalay ka hadlayey sanad guuradii 64-aad ee aaska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa uu sheegay in xiligaan magaalada Muqdisho 90% ay xasiloon tahay isla markaana ay tahay in ciidamada faraha badan laga saaro gudaha magaalada.loona daayo amaanka ciidanka booliska oo kaliyah....
Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay dib u howlgelinta isbitaalka weyn ee Laasereeti
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Md. Maxamed Cumar Maxamuud "M.Dheere" markuu arkay baahida loo qabo in dib loo howlgeliyo isbitaalka Laasereeti, markuu arkay rabitaanka hooyada iyo dhalaanka Soomaaliyeed ee u baahan daryeelka caafimaadka guud, isla markaasna tixgeliyay codsiga isbaheysiga haweenka Soomaaliyeed ee GOGWO ee ku taariikheysan 1/11/2007 kuna saabsaneyd dib u howlgelinta isbitaalkan wuxuu soo saaray go'aankan....
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la shiray Mas’uuliyiinta 16-ka Degmo
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Cumar Maxamuud (Maxamed Dheere) ayaa maanta xafiiskiisa kula shiray guddoomiyayaasha 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir....
Waxgarad ka tirsan beesha Murusade iyo xubno matelaayey Maamulka G/Banaadir iyo mas.uuliyiin ka socoto ciidanka booliska oo booqday Dayniile iyo Gubta
Xubno isugu jira waxgarad, ganacsato iyo saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo uu horkacayo Ugaas Daahir Cabdi kulmiye uuna ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee maamulka guud iyo qoraallada ee Gobolka Banaadir Mudane Cabdirashiid Ibraahim Maxamed, taliyaha qeybta booliska galbeed ee gobolka Banaadir G/ dhexe Cabdulaahi Xasan Bariise iyo xubno kale ayaa manta soo booqday deegaanada ay ka mid yihiin dagmada Dayniile, deeganka Gubta, deegaanka Aadan Saloog ,tuulada Dibiley,Daykaagacad iyo gobo kale oo ay ka mid tahay halka loo yaqaano TIIDA....
Guddoomiye Maxamed Dheere oo dhambaallo hambalyo ah ka helay Madax iyo Duq Magaalayaal ka tirsan caalamka
Xafiiska warfaafinta ee maamulka Gobolka Banaadir waxaa weli si isdaba joog ah u soo gaaraya dhambaallo loogu hambalyeynayo maamulka Gobolka Banaadir oo 6-dii bishan u dabbaaldegay sanadguuradii 71-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii dowladda hoose ee Xamar oo ku beegnaa 6-dii bishii Disembar 1936-kii....
Guddoomiye Maxamed Dheere: "Gobolka Banaadir wax hub ah looma ogola in lagu dhex qaato marka laga reebo ciidamada"
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb "M.Dheere" ayaa sheegay in baadi goob loogu jiro sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa odayaasha garab ka mid ah beelaha Hawiye kuwaasi oo maamulka Gobolka Banaadir uu ku eedeeyay iney ku lug leeyihiin dhibaatada magaalada Muqdisho iyo weerarada lagu qaado xarumaha ciidamada Soomaaliya iyo Itoobiya....
Allaha U Naxariistee Waxaa saakay Isbitaalka Madiina ku geeriyooday Guddoomiye Kuxigeenka G/Banaadir ee arrimaha Siyaasadda
Allaha u naxariistee waxaa saakay isbitaaka Madiina ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca arrimaha siyaasadda Marxuum Cabdullaahi Xasan Ganey Firimbi oo maalmahan xanuun la soo dersay....
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo hambalyo u diray ciidanka ilaalada deeganka xamar
Gudoomiyaha Gobalka Baaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mxamed Cumar Mxamuud (M.Dheere) ayaa ciidamada ilaalada deegaanka Xamar u diray halmbalyo ku aadan maalintooda dhalashada oo maanta ku beegan....
Daawo Maamulka G/Banaadir oo fashiliyay miino lagu aasay Suuqa Dayax
Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Banaadir ee dhinaca arrimaha amaanka Md. C/Fitaax Ibraahim Shaawey oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta maamulka Gobalka Banaadir ayaa sheegay in ciidamada amaanka Gobolka Banaadir ay ku guuleysteen in ay soo saaraan walxaha qarxa oo kooxaha nabad diidka ah ku aaseen agagaarka Suuqa Xoolaha ee Dayax....
Guddoomiyaha Gobolka iyo xubnihii la socday oo Muqdisho dib ugu soo laabtay
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb "M.Dheere" iyo xubno la socday oo mudooyinkan danbe booqasho ku joogay magaalada Baydhabo ayaa saakay barqadii safar dhulka ah dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho....
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir oo furay Mashruuc dib loogu habeynayo Bullaacadaha Muqdisho
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca arrimaha bulshada Mudane Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) ayaa maanta furay mashruuc dib loogu dayactirayo bullaacadaha ay caasimadda Muqdisho lahaan jirtay....
Marxab Marxab Mudane Nuur, Marxab Marxab Mudane Yuusuf
Dhab ahaan dadka u kuur gala hannaan socodka siyaasadda dalka Soomaaliya, waxay faaqidaad dheeri ah ka bixiyeen dabeecadaha hab dhaqan ee Mudahaan, waxayna sheegeen inuu yahay nin leh hab dhaqan wanaagsan, dabeecad fiican, kuna sifoobay waddaninimo, dal jacayl, aaminnimo, wuxuuna mar walba jecel yahay inuu gaaro go’aan aad looga tashaday oo laga fiirsaday....
Daawo Guddoomiye kuxigeenka Gobolka oo dhagax dhigay dhisme goob muhiim u ah bulshada
Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca arrimaha bulshada Md. Maxamed Cusmaan Cali "Dhagaxtuur" ayaa maanta dhagaxii ugu horeeyay dhigay dhismaha derbi weyn oo lagu gadaamayo dhinaca badda ee laabadka wadada ka tagta Hotelka Curaba ee u leexata Kawaanka Malaayga, wadadaas oo derbi ku yiilay dhinaca badda oo difaac u ahaa dariiqaas uu ka dumay, kadibna ay dhacday in dhowr jeer gaadiidka mara wadadaas uu ku hoobto badda....
Daawo Sawirada Dibadbax weyn oo lagu taageerayey nabadgelyada Gobolka Banaadir iyo howlgalada socda oo ka dhacay Muqdisho
Bannaanbax kii ugu ballaarnaa oo mudooyinkan danbe ka dhaca Muqdisho oo uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta dadweynaha ku dhaqan 16-ka degmo ee gobolka Banaadir ay ka soo qeybgaleen kuwaasoo buux dhaafiyay garoonka Banaadir....
"Daawo Sawiro" Mudane Maxamed Dheere: "Hadii awal warbaahintu dowlad la'aan ku shaqeyn jirtay hada dalka Dowlad iyo Sharci ayaa ka jira, waana iney shati..."
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Md.Maxamed Cumar Xabeeb (M/dheere) oo maanta shir jaraaid ku qabtay Xafiiskiisa Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in laga bilaabo maanta ay ku amrayaan qeybaha kala gedisan ee Warbaahinta Sida Idaacadaha,Talefishinadaiyo Wargeysyada iney Qaataan Waraaqaha Ruqsadda ay ku howl galayaan si marka ay Qalad galaan loola Xisaabtamo....
DAAWO SAWIRO XIISO LEH oo Howlgal lagu Nadiifinayo Suuqa Bakaaraha
Gudoomiye guxigeenada Duqa Magaalada Muqdisho ayaa hor kacayey olole nadaafadeed ka bilowday maanta magaalada Muqdisho, kadib markii ay caddaatay inay soo afjarmeen hawlo lagu sugayey ammaanka gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha iyo nawaaxigiisa iyo qaybo ka tirsan degmooyinka G/Banaadir, waxaana maanta si rasmi ah uga bilowday wadooyinka waa weyn ee gala suuqa weyn ee Bakaaraha olole nadaafadeed oo wax loogu qabanaayo bilicda Magaalada Muqdisho....
Afhayeenka Gobolka Banaadir oo saakay ka badbaaday miino loo dhigay gaari uu ku socday
Aroornimadii saakay ayaa isku day dil oo lagu doonayey in lagu qaarijiyo Afhayeenka Gobolka Banaadir ahna Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Gobolka Maxamed Muxiyaddiin Cali uu ka badbaaday kadib markii lala beegsaday qarax miino oo loo dhigay gaarigii uu saarnaa xili uu ka soo baxay hoygiisa oo aan ka fogeyn halka loo dhigay miinada....
Jikooyin lagu Quudiyo dadka baahan oo laga furayo Magaalada Muqdisho
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta shaaca ka qaaday in jikooyin lagu quudiyo dadka baahan laga furayo toban goobood oo ka tirsan Magaalada Muqdisho Gobolka Banaadir....
Daawo Guddoomiye Max'ed Dheere oo eedeyn u jeedinaya Fu'aad Shonkole iyo Abuu Mansuur
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Md Maxamed Cumar Maxamuud {Maxamed Dheere}ayaa maanta eedayn kulul dusha uga tuuray qaar ka tirsan hogaamiyayaashii Maxkamadihii Islaamiga ee laga itaalka roonaaday, welina ku dhuumaalaysanaya gudaha dalka iyagoo ka wada rabshado joogta ah....
Dhul ku yaal degmada Hodan oo dan guud loola wareegay
Wareegto ka soo baxday xafiiska maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu la wareegay dhulalka danta guud ee ku yaal degmada Hodan gaar ahaan dhul ay horay u lahaan jirtay mashruucii Goasha iyo Gandiga iyo dhulkii mashruuca digaaga, waxayna wareegtada u qorneyd sidan:...
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo bilad qaali ah guddoonsiiyay Guddoomiye ku xigeenka G/Banaadir
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS ayaa bilad qaali ah guddoonsiiyay Guddoomiye ku xigeenka G/Banaadir ee dhinaca arrimaha bulshada Md. Maxamed Cusmaan Cali "Dhagaxtuur" taas oo ay qoorta u sureen xubno ka tirsan Guddigaasi....
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacbiga ugu baaqay iney ka fogaadaan goobaha dhufeysyada u ah kooxaha nabad diidka ah
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Md. Maxamed Cumar Maxamuud "M.Dheere" ayaa galabta shir jaraa'id ku qabtay hoyga uu ka degan degmada Shingaani isagoo ugu warbixiyay dagaaladii shalay iyo maanta ka dhacayey qeybo ka tirsan Muqdisho gaar ahaan xaafadaha Hodan, Howlwadaag iyo suuqa Bakaaraha....
Habka sharci geynta maxaabiista xabsiyada gobolka Banaadir oo la soo bandhigay
Xarunta maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa manta lagu qabtay shir aad u weyn oo looga hadlayey xaaladda amniga iyo habka sharci geynta maxaabiista Gobolka Banaadir, iyadoo shirkaas ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin ay ka mid yihiin taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Cawaale "Qeybdiid", Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna magaalada Muqdisho Md. Maxamed Cumar Maxamuud "M.Dheere", Gen. Nuur Maxamed Maxamuud "Nuur Shirbow", Guddoomiye ku xigeenada Gobolka, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Dr. Xaashi Cilmi Nuur, Taliyeyaasha qeybaha Booliska, kuwa saldhigyada iyo Guddoomiyeyaasha 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir....
Guddiga amniga iyo G/Banaadir oo cambaareeyay weerar Hoobiye oo lagu qaaday dekadda weyn
Shir ay saakay isugu yimaadeen xubnaha guddiga nabadgelyada ee G/Banaadir oo uu Guddoominayey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Md. Maxamed Cumar Maxamuud “M.Dheere” ayaa waxaa lagu cambaareeyay kooxaha nabad diidka ah ee xalay hoobiyeyaasha ku weeraray dekadda weyn ee magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda....
Oobasiibada Yaaqshiid oo jidad loo sameynayo lana habeynayo
Dhismayaasha xaafadda Tokiyada Oobasiibada ee degmada Yaaqshiid ayaa maanta lagu billaabay in lambarro casaan ah lagu qoro, lana suro calmaan muujinaysa in la dumanayo si loo habeeyo cabbir rasmi ahna loogu sameeyo....
Guddoomiye M/Dheere: “Maxbuuska xeran sifa kasta halagu heystee wuxuu xaq u leeyahay in 48 saac kadib maxkamad la soo taago
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Md. Maxamed Cumar Xabeeb “M.Dheere” ayaa sheegay in go’aankan uu ku soo aaday mudo 14 maalmood ah oo ay subax walba yeelanayeen shirar, warbixino iyo u guur galid qaabka nabadgelyo iyo maxaabiista ku jirta 18-ka saldhig iyo xabsiga hoggaanka xisbiga ee gobolka Banaadir iyagoo gabagabadii maanta go’aansaday in 48 saac kadib maxbuuska xeran la soo taago maxkamad hadii uu danbi yeesho ku fulisa sharciga hadii lagu waayana loo soo celiyo xorriyadiisa sida uu qabo dastuurka Federaalka....
Guddiga amniga iyo maamulka Gobolka oo manta amray in maxkamad deg deg ah la soo taago maxaabiista ku jirta xabsiyada
Kulan maanta ka dhacay xarunta Gobolka oo ay isugu yimaadeen maamulka Gobolka Banaadir iyo guddiga amniga ee Gobolka ayaa lagu go’aamiyay in maxaabiista ku xeran xabsiyada magaalada Muqdisho mudo 48 saac gudahood lagu soo taago maxkamad sida uu qabo Dastuurka Federaalka Soomaaliya....
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo cudur daar ka bixiyay shil maanta dhex maaray ilaaladiisa iyo kuwa shirkadda NationLink
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Maxamuud “M.Dheere” ayaa raali gelin ka bixiyay shil maanta ka dhacay afafka shirkadda isgaarsiinta NationLink xarunteeda degmada Shibis ee magaalada Muqdisho....
Gobolka Banaadir oo xariga Abshir Bacadle ku tilmaamay inuu yahay mid sharci ah oo maxkamad la soo taagi doono
Kulan ay maanta isugu yimaadeen guddiga amniga iyo kan maamulka Gobolka Banaadir oo ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir ayaa looga hadlay xaaladihii ugu danbeeyay ee magaalada Muqdisho iyo howlgaladii u danbeeyay ee fuliyeen ciidamada dowladda Federaalka....
Howlgal ay caawa ciidamo ka tirsan Gobolka Banaadir ka bilaabeen degmada Kaaraan
Howlgal ballaaran oo lagu baarayo xaafadaha kala duwan ee degmada Kaaraan ayaa caawa ka bilaabatay halkaas, iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan ciidamada nabadgelyada Gobolka Banaadir iyo madaxda tabeelayaasha xaafadaha degmadaasi....
Booliska Gobolka Banaadir oo soo qabtay Mukhaadaraad
Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa hawlgallo baahsan oo ay qaadeen ku soo qabqabtay laba iyo toban qof oo lagu helay iyagoo isticmaalayey kana ganacsanayey mukhaadaraadka loo yaqaan xashiishka....
Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax miino
Dhaawac xoogan oo saakay soo gaaray Guddoomiyihii degmada Yaaqshiid marxuum Cabdi Miiney ayaa 1:00 duhurnimo ku geeriyooday isbitaalka Keysaney kadib markii saakay abaarihii 10-kii barqanimo inta u dhaxeysa isgoyska Sanca iyo Afarta Jardiino oo gaari uu saarnaa miino nooca gacanta laga hago ah kula qaraxday gaarigiisa iyo mid kale oo ay saarnaayeen ilaalo la socotay....
Guddoomiye ku xigeennada Gobolka Banaadir oo maanta heegan ku noqday afarta qaybood ee loo kala Qaybiyey Magaalada Muqdisho
Guddoomiye ku xigeennada dhinacyada kala duwan ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maanta mid kasta oo ka mid ah wuxuu heegan ku noqday qaybta loo xil saaray ee ka mid afarta qaybood ee loo kala qaybiyey Magaalada Muqdisho....
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo abaalgud siiyey Boolis gudanayey waajibaad Nabadgelyo oo loo xil saaray
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Cumar Maxamuud (Maxamed Dheere) ayaa maanta soo kormeeray degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, iyo isgoysyadii ay shalay guddiga nabadgelyada Gobolka Banaadir amarka ku bixiyeen in la dhigo ciidamo Boolis ah si loo sugo amniga....
Previous | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18  Next


 

 
Copyright 2008 © Gobolka Banaadir All Rights Reserved